Taliyaha Guud Ee Ciidamada Jubbaland General Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar) ayaa sheegay in wada shaqeyn xilligaan la joogo ka dhex jirin Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Xoogga Soomaaliyeed.
Aadan Goojaar ayaa sheegay in qolo walbo in Howlgalo qorsheysan ay ka fuliso deegaanada,islamarkaana xiriir dhinaca sirdoonka iyo mid fulinta howlgalada ah aysan jirin.
Taliyaha Ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in taasi ay sabab ka dhigtay in Al Shabaab laga saari waayo deegaanada ay joogaan,iskaashi la’aanta Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka sida uu warka udhigay.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa kuwada sugan deegaanada Kismaayo Duleedka kaga beegan,hadana ma jirto howlgal ay wadajir ufuliyaan.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA