DHAGEYSO: Xiriirka Dhaw Ee Ka Dhaxeeya Puntland & Imaaraat-ka Carabta

0

Capture

Xiriirka dhaw ee ka dhaxeeya Dawlad Gobolleedka Puntland iyo Dalka Iskutaga Imaaraat-ka Carabta ayaana la sheegay inuu sii baahayey Sanadihii lasoo dhaafay.

Wasiirka Haweenka Puntland Aamina Cusmaan Xaaji ayaa ka jawaabtay hadal heynta mar kasta la dhex dhigo Puntland iyo Imaaraat-ka carabta.

Shakiga ku aadan inay UAE aad naas nuujin ugu sameyso Dawlad Gobolleedka Puntland ayey sheegtay Wasiir Aamina in khalad laga fahmay.

Puntland ayaa ku dhaleeceysay Madaxweyne Farmaajo mid ku fashilmay isku dumida dhinacyada Mucaaradsan Dawlada uu hogaamiyo,waana tan keentay in shaki laga qaado Qorshaha iyo hormarka Maamul Ee Puntland dhinaca Caalamka gaareyso.

Dhawaan ayaa ugu dambeysay in ay Hay’ada Bisha Cas Imaaraat-ka ay Dawada talaalka Covid 19 gaarsiisey deegaanada Puntland,Dekada Boosaaso UAE ayaa xukunta iyadoo saldhig ku leh Duleedka Boosaaso.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA