Khasaaraha Ka Dhashay Dhisme Dumay Qaahira Oo Kordhay

0

2e2f2f55 4938 42da Acbd 6f7bde61329d 16x9 1200x676

Sida ay ku warantay Warbaahinta Al Ahram waxaa sii kordhay Khasaaraha ka dhashay Dhisme dumay magaalada Qaahira.

Waxaa la ogaaday in dhimashada hadda gaartay 18 Qof iyadoo dhaawaca 24 qof gaarayo.

Dawlada Masar ayaa sheegtay inay dhaawacyada xaaladooda kula soconeyso Cusbitaalada la geeyey,iyadoo dadka qaarkood darbiga dumay waxyeelo culus gaarsiiyey.

Mas’uul u hadlay Maamulka oo lagu magacaabo Khaalid Cabdil Caal ayaa sheegay in dadka qaarkood laga soo hoos bixiyey darbiga ku dul dumay.