Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Shanta ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka uga qeyb galay kulan udhaxeeyey iyaga iyo Safiirada Beesha Caalamka.
Axmed Madoobe,Lafta gareen,Siciid Deni,Axmed Qoor qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa shirkaasi albaabada uxirnaa la qaatay Saaxiibada Caalamka Ee soomaaliya.
Kulanka waxa uu ahaa mid diirada lagu saarayey xal uhelida Arimaha Cakiran ee Doorashooyinka iyo sidii xal waara looga gaari lahaa.
Waxay isla jeex jeexeen dhinacyada kulmay in loo baahan yahay tanaasul qodobada muranka doorashada hareeyey,si loo gaaro wadiiqo wadar ogol ah.
Shirkaasi waxaa ka qeyb galay Safiirka Mareykanka Ee Somalia Donald Yamamoto,Wakiilka UN-ka Ee Soomaaliya James Swan,Safiirka UK Kate Foster iyo Ergeyga Midowga Africa Uqaabilsan Soomaaliya Fransisco Madiera.
Kulankaasi ayaa ah mid ka horeeyey midka galabta ay iskugu imaanayaan Rooble iyo 5-ta Madaxweyne Gobolleed ay ka arinsan doonaan Arimaha Doorashada.