DHAGEYSO: Galmudug Oo La wareegtay Doon Dad Yamaniyiin Wateen

0

Markab 1280x720

Kudhawaad 40 Qof ayaa maxkamad kasoo muuqday kadib markii lagu soo qabtay jariif iyagoo ka sameenayey Xeebaha Degmada Xarar dheere Ee Gobolka Mudug.

Maxkamada Gobolka Mudug ayaa Ajaanibta la xukumay waxay ku sheegtay inay udhasheen Dalka Yeman,balse waxaa Maxkamadu kasoo muuqan Carruur 8 ah oo la socotay Bad maaxiyeyaasha gacanta lagu dhigay.

Midkiiba 700 Dollar ayaa lagu ganaaxay inuu bixiyo,iyadoo Galmudug la wareegtay Agabkii ay jallaabashada ku sameenayeen.

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Dawlad Gobolleedka Galmudug C/casiis Nuur Xuseen ayaa sheegay in sharciga la hor geyn doono cid walbo oo ku xad gudubta Hanaanka Maamul ee ka jira Deegaanadaasi.

Meesha laga soo qabtay Kalluumeysatada ayaa waxay udhawdahay Xarardheere oo ay Al shabaab ka taliyaan,iyadoo Ciidamada Badda Ee Galmudug Howlgalo ay ka sameeyaan Badda wakhtiyo kala duwan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA