Dhaxal Sugaha Sacuudiga Oo Warqad Casuumaad ah Udiray Imran Khan

0

6062aa151a7a7

Ra’iisal Wasaaraha dalka Bakistaan Imraan Khaan ayaa waxa uu sheegay in Qadka Taleefoonka kuwada hadleen isaga iyo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Labada mas’uul ayaa ka arinsaday xiriirka labada Dal iyo sidii sare loogu sii qaadi lahaa,iyadoo Warqad Casuumaad ah Imran Khan ka helay Maxamed Bin Salmaan si uu utego Magaalada Riyaadh Ee Caasimada Sacuudiga.

Wakhtiga lama sheegin Socdaalkaasi Ra’iisal wasaaraha Pakistaan ku wajahan yahay Sacuudiga,hayeeshee uu aqbalay Marti qaadkaasi.

Wafdiga raacaya Imran Khan ayaa la diyaarinayaa,waxaana la filayaa in kulamo gaar gaar ah yeeshaan Madaxda Sacuudiga markii uu Dlakaasi tego.

Maxamed bin salmaan oo ah Wiilka uu dhalay Boqorka Sacuudiga ayaa ah Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Boqortooyada Sacuudi Carabiya,waana shakhsiga ugu awooda Badan xilligaan Boqorka marka laga soo tego.