Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen waxaana kulanka qeyb ka ahaa wasiiro ka tirsan xukumadda Soomaaliya iyo koonfur-galbeed.
Kulankaan ayaa dhacay ka hor shirka Berri Baarlamaanka leeyihiin oo shaki badan abuurtay,arimaha doorashada ayaana lagu falanqeeyey.
Wasiirada iyo Xubnaha kale ee shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in aan laga hadlin wax dhaafsiisan xal ka gaarista doorashada iyo sida looga gudbi karo khilaafka jira.
In Mursal & Lafta gareen kulmaan ayaa ka dhigan Nabad iyo Nolol Ka shirtay muddo kordhinta berri loo ballansan yahay.