Soomaaliya Oo Dalka Ugandha Uga Qeyb Gashay Shir Caalami Ah

0

Aaa

Saraakiil ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shir looga hadlayo Caqabadaha xaduudaha, xalinta khilaafaadka iyo maareynta isticmaalka hubka fudud uga qeyb galay dalka Uganda.

Shirkaan oo ahaa mid heerkiisu sareeyo ayaa waxaa looga hadlayay faafista iyo maareynta isticmaalka Hubka fudud,iyadoo Adeegsiga hubka fudud uu yahay mid dhibaato weyn ku haya Dalalka dhaca Geeska Afrika.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Maareynta hubka fudud ee REKSA oo ay ku mideysan yihiin wadamadda Geeska Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka socotay dhammaan Dalalka kuwooda madaxda ka ah xuduudaha.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa shirkaan uga qab galay Saraakiil sarsare oo ku shaqo leh arimaha hubka fudud ee xuduudaha iyo gudaha dalka.

Shirkaan ayaa laysku weydaarsaday caqabadaha ka jira dalalka ee dhanka xuduudaha iyo sida ugu fiican looga hortagi karo isticmaalka dhanka khaldan ee hubka fudud ee sida sharci darada ah ugu gacan galaya dadka kooxaha aan ku shaqada laheyn iyo shacabka.