Taliyihii Ciidamada Asluubta Gobolka Gedo Oo U Geeriyooday Covid19

0

166529152 785956288693678 3148120798859816308 N

Taliyihii Ciidamada Asluubta Gobolka Gedo Korneel Hareeri Xasan Barre ayaa waxa la xaqiijiyey geeridiisa,iyadoo maalmihii dambe uu xanuunsanaa.

Marxuumka ayaa la sheegay in caabuqa Covid 19 uxijaabtay,iyadoo tacsi ay ka direen geeridiisa.

Gudoomiyihii Hore ee Deegaanka Balanbal ayuu soo noqday Hareeri Xasan Barre inta aan laga dhigin Taliyaha Asluubta Gobolka Gedo.

Dadka yaqaanay ayaa ku sheegay Marxuumka shakhsi wanaagsanaa oo dadka Maslaxadooda ka shaqeyn jiray.

Caabuqa Covid19 ayaa dilay bilihii lasoo dhaafay xubno katirsan Dawlada oo xilal kala duwan hayey iyo Dad Caan ka ahaa Soomaalida dhexdeeda.