Dekada Boosaaso Markab Caariyey Kaas Oo Shixnado Badan Sida

0

A General View Shows Activity At Somali's Northern Port Town Of Bosasso

Wararka laga Helayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socoto dedaalo lagu doonayo bad baadinta markab Shixnado kala duwan sida oo ku caariyey meel aan ka fogeyn dekada.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah Shaqaalaha Dekada Boosaaso waxaa uu markabka saacado ka hor ku caariyey.

Markabkaan ayaa booska looga wareejiyey shalay Markab kale oo xoolo qaadi lahaa,kaas oo saaka markii la isku dayey inuu soo xirto caariyey.

Waxaa jirta dhaliilo loo jeedinayo Maamulka Shirkada DP World ee Dekada Boosaaso gacanta ku heysa,ayna mudada kusugan yihiin isbadelo ka sameynin jidka Maraakiibta loogu talo galay inay kusoo xirtaan.

Guddiga ganacsatada Dekada Boosaaso waxay sheegeen in weli ku rajo weyn yihiin Wiish la keeno si looga bad baadiyo Shixnada Markabka sido oo cabsi laga qabo inuu quuso.

Howlihii Dekadaasi ayaa inta badan maanta oo Khamiis ah hakad la geliyey markii la sheegay in howsha markabkaasi caariyey la iskugu geeyey bad baadintiisa xoog iyo xeelad wixii la hayey.