DHAGEYSO: Cumar Filish “Waan La Xisaabtamayaa Shirkadii Joojisey Inay…

0

Banaadir

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulamo uu ku ogaanayo Xaalada Bulshada Degmooyinka qaar ka bilaabay gudaha Caasimada.

Cumar filish ayaa Degmada Shangaani kula kulmay Qeybaha kala duwan Ee Bulshada Labada Degmo Ee C/casiis iyo Shangaani,kana xog wareystay deegaanka iyo isbadelada ka jira.

Qaarkood dadkii goobta ka hadlay ayaa muujiyey in Nadaafada iyo Amniga ay kala shaqeeyaan Ciidamada balse ay waxyaabo iska yar yar jiraan oo ubaahan in wax laga qabto.

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa meesha ka sheegay inay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan Shirkad qandaraas lagu siiyey dhismaha Waddooyinka Interlock-ga la saaro ay ka waday Degmada C/casiis oo ay joojisey,taasina ay kula xisaabtamayaan shirkada waxay ujoojisey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA