DHAGEYSO: Galmudug Oo Digniin Udirtay Ajaanibta Kalluumeysiga Sameysa

0

Thumbnail

Wasiirka Dekadaha & Kalluumeysiga Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa waxa uu ka hadlay in la furay Xafiis Degmada Hobyo laga qaadan doono shatiyada kalluumeysiga.

Waxa uu sheegay Wasiirku in laanta Hobyo ay kaga maarmi doonaan ganacsatada oo markii hore ku dhib qabay in Dhuuso mareeb aadaan.

Sidoo kale wasiirka Dekadaha Galmudug waxa uu digniin udiray Kalluumeysatada Ajaanibta ah Ee sida sharci darada kaga jallaabta Xeebaha Galmudug,kuwii udambeeyana dhawaan xukun la dul dhigay.

Shaqada Dekada Hobyo ayaa waayahaan aheyd mid ballaaran oo doonyo shixnado kala duwan sida halkaasi ku xiranayeen qaarkoodna ay gawaari iyo agab kale geeyeen Degmadaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA