DHAGEYSO: Saameynta dhaqaale ee covid19 ugeystay Soomaaliya

0

Capture

Kadib Saameynta caabuqa covid 19 ee Soomaaliya oo ay xirmeen goobo ganacsi,kuwo waxbarasho iyo ilo kale oo dhaqaale ayaa Xukuumada waxay daraasad kusameeneysaa caqabadaha uu ku reebay bulshada cudurkaasi.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan Oo ka daah furay Muqdisho shir looga hadlayo saameynta dhaqaale uu geystay covid 19 ayaa sheegay in si daah furan ah daraasada iyo waxa kasoo baxa ay bulshada la wadaagi doonaan.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan shirkado ganacsi oo xayiraadii lasoo rogay ay dhaqaale xumo soo wajahday sanadkii hore markaasi oo Dawlada ay Xakameysay faafitaanka Cudurka Coronovirus-ka.

Mar kale ayaa la dareemayaa culeyska Caabuqaan ugeysanayo ama dhaawaca dhaqaale Ee soomaaliya oo markii horeba dadka ay dabaqada heerka hoose iyo mida dhexe ay ahaayeen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA