Isuduwihii Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Togdheer oo Iska Casilay Xilkii.

0

 

Isuduwihii Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Togdheer Dr. Aadan Casayr ayaa isagoo Saxaafada la hadlayay waxa uu cadeeyay in uu Iska Casilay Xilkii uu haayay.

 

Isuduwaha Ayaa ku sababeeyay Iscasilaadiisa Xaalada Covid19 ee Burco oo sii Xumaanaysa Isla markaana Aanu qaadi Karin masuuliyada Dadka Xanuunsanaya iyo kuwa Udhimanaya Covid19.

 

Waxa uu warbaahinta u sheegay in dadka ku sugan burco qaarkood ay u geyriyoodeen xanuunkasi bilihii la soo dhaafay, iyada oo u sheegay inuusan arkin cid ka tirsan Somaaliland gara ahaan Masuuliyiinta ka sareeysa oo xaalada dadka uu soo ridanayo Covid 19 wax kala qabanaysa.

 

Isuduwihii Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Togdheer Dr. Aadan Casayr waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in isagu intii karaankiisa aheyd uu la tacaalay gacana uu ka geystay ka hortagida xauunka covid 19.

 

Masuulkaan is casilay ee ka tirsan Somaliand ayaa noqonya qof kii ug horeyay ee xil haaya oo isaga casila sababo la xiriira in dadkii uu Masuulka u ahaa ay u dhimanayaan Covid 19.