Sargaal Katirsanaa Booliska Puntland Oo Lagu dilay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah Koox Hubeysan ayaa waxay xalay toogasho ka fuliyeen Wuqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudud.

Dableyda falka geysatay ayaa saarnaa mooto Bajaaj,iyagoo rasaas ku furay Sargaal katirsanaa Ciidamada Booliska qeybteeda dembi baarista oo lagu magacaabi jiray Cumar Maxamed Samatar.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Ee Puntland Korneel Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in howlgal dilka kadib sameeyene lagu soo qabtay qof lagu tuhmay Dilkaasi.

Xaalada ayaa saaka deggan Wuqooyiga Gaalkacyo,iyadoo Meydka Sargaalka la dilay lagu wado in lagu aaso halkaasi.

Inkastoo howlgalo ay iska kaashanayeen ciidamada Galmudug iyo Puntland ka sameenayeen Gobolka Mudug hadana waxa dhacayey mararka qaar dilal iyo Qaraxyo Al Shabaab ay sheegteen Mas’uuliyadooda.