Al Shabaab & DFS Oo Ka hadlay Dagaalkii saaka Bariire & Awdheegle

0

Img 0a7d7a 76778a 542da7 A5c148 Fdc582 Fc3b82

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay,dagaal xoog leh oo ka dhacay Saaka deegaano katirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

 Al shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen Fadhiisimaha Ciidamada Dawlada ku leeyihiin Deegaanada Awdheegle & Bariire .

Dagaal xoog leh ayaa dhacay,inkastoo khasaaraha la ogeyn inta uu la eg yahay waxaana dhinacyada ay sheegeen in guulo kala gaareen.

Dagaalka ayaa saacado badan qaatay,iyadoo la sheegay in hub iyo saanado Al Shabaab ku faaneen in dagaalkasi ku qabsadeen.

Warbaahinta Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortegay dagaal ay soo qaadeen Al Shabaab saaka oo Sabti aheyd,balse laga fashiliyey gaadiid ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah ay doonayeen.

NAGA FILO WIXII SOO KORDHO INSHA ALLAAH