Puntland Oo Ka Xumaatay War kasoo baxay Wasiir Katirsan Xukuumada

0

168363608 4492479950766716 1532663781980643005 N

Dawlad Gobolleedka Puntland ayaa war uu soo saaray waxay dalbatay ‘caddayn’ ay la timaado Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii war uu saacado ka hor sheegay Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

30-kii Bishii dhamaatay Maarso ayaa la hor istaagay diyaarad ka degi laheyd Magaalo Xeebeedka Garacad Gobolka Mudug. Taas oo Xukuumada Soomaaliya sheegtay in ay arrimo amni dartood u joojiyeen diyaarad u socotay Garacad.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cismaan Cali Yuusuf ayaa yiri:

“Waxa aan ka sugaynaa Wasiir Oomaar  inuu caddayn rasmi ah ka keeno amni darrada uu  ka faafiyey Garoomada diyaaradeed eek u yaalla Puntland, haddii kale waxaan u arkeynaa  shiddo abuur iyo dhagar hor leh oo weerar ku ah sumcadda iyo  badqabka diyaaradaha rayidka ah ee ka hawl-gala Garoomada Puntland.

Maamulka Puntland oo kaashaneysa shacabkeedu waxay markasta u taagan tahay tayeynta garoomadda Puntland, si ay duulista isku filnaanshiyo uga gaadhaan.

Siyaasad ahaan Puntland iyo DFS ayaa markii hore wanaagsaneyn iyadoo dhawaan banaanbaxayaal la rasaaseeyey Degmada Dhahar ay isku eedeeyeen labada dhinac.