Ciidamada Xoogga Oo Al Shabaab Kala wareegay deegaano dhowr ah

0

169067070 3712056428892438 788699406729855273 N

Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa si rasmi ah ula wareegey gacan ku heynta Deegaanada koonfureed ee Magaalada Dhuusamareeb sida Sinadhaqo iyo labi-dulle oo gabaad u ahaa mudooyinkan Argagaxisada Alshabaab kuwaa oo ka soo abaabuli jiray falalka arbushaada ah ee ay ku wax yeeleeyaan dadka shacabka ah ee adeegsada jidka iskuxira Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Ciidamada Dowlada ayaa si rasmi ah ula wareegey fariisimihii Kooxdan oo ay kujiraan saanad Ciidan oo ay kaga carareen goobahaasi, Waxaana aagaan ka dhacey dagaalo culus oo qasaaro adag lagu gaarsiiyay Argagaxisada Alshabaab.

Taliyaha Guutada 15-aad, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Gen: Mascuud Maxamed Warsame oo ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkan ayaa tilmaamey in Ciidamadu ay wali kusii raad joogaan firxadka Argagaxisada laga ceyriyay Deegaanadan oo aan looga hari doonin goobaha ay wali kusii dhuumaaleysanayaan.

Xigasho-Idaacada Codka Ciidamada

168557056 3712056295559118 5886708832944297100 N

168646111 3712056732225741 4161693437997059007 N

168672387 3712057602225654 8762803970431445862 N

168884047 3712057168892364 8183041642449141637 N

168903786 3712056168892464 850088663182850753 N

168903980 3712057038892377 8367705686711663337 N

168914230 3712056892225725 1603499197506404313 N

168928712 3712058128892268 7313445234786942134 N

169065463 3712058232225591 93227886953201292 N

169067070 3712056428892438 788699406729855273 N

169084834 3712056585559089 6002986584712104186 N