Daadad Ku Rogmaday Qeybo Ka mid ah Waddanka Indonesia

0

C67gtta4xkyjtuhnvx7j6o5t5a

Inta la og yahay 23 Qof ayaa dhintay kumanaan kalena waa ay ku barakaceen dhul go’ iyo daadad ku rogmaday qeybo ka mid ah Dalka Indonesia.

Xalay saqdii dhexe kudhawaad 50 guri ay ka saramareen daadadka ku fatahay,waxaana jira khasaaro hantiyeed oo aad ubadan.

Dhoobo ku dhagtay ayaa la sheegay inay dadka qaar ay udhinteen markii fatahaada ay ugu tagtay meelihii ay kusugnaayeen.

Gobolka Tengaara Magaalada Nuusi ayaa la sheegay in meesha ugu daran ay waxyeelada ka dhacday aheyd,20 qof ayaa lasoo bad baadiyey sida ay sheegeen Booliska.