Cumar C/rashiid Oo Ku Taliyey Inaan La fashilin Shirka Afisiyooni

0

Cumar Cabdirashiid1

Cumar Cabdirashiid Ra”isulwasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka digay in lagu guuldareysto wada-xaajoodka Doorashada.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo Qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa uu uga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka gaar ahaan caqabadaha hortaagan Doorashooyinka.

Waxa uu ka digay in lagu guuldareysto wadahadalka socda ama dhinac loo weeciyo dhabbaha wanaagsan ee lagu abuuri karo qorshe siyaasadeed cusub oo lagu xoojinayo heshiiska Doorashada 17-kii September 2020.

“Doorasho lagu kalsoonaan karo ayaa lagu gaari karaa haddii arrimaha waaweyn ee ay wadaagaan dhammaan daneeyayaasha laga wada hadlo oo lagu heshiiyo shirarka socda  ayuu yiri” Senator Cumar Cabdirashiid.

Caa

Baaqa uu soo saaray Mr Sharma’arke ayaa umuuqday mid uu rajo beel ka dareemay isku soo dhawaanshiyaha siyaasadeed iyo shirkii labada maalin hore dhacay.