DHAGEYSO: Amar uu bixiyey Madaxweyne Lafta gareen Oo ka dhaqan galay…

0

Capture

Gudoomiyaha Degmada baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole ayaa dhagax dhig ku sameeyey qaar ka mid ah Waddooyin bur bursan oo dib udhis lagu sameyn doono.

Kadib Amar kasoo baxay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta gareen ayaana waxa la bilaabay in la dhaqan geliyo taas oo aheyd in dib loo dayactiro waddooyinka dhexmara Caasimada Kumeel gaarka ah Ee Koonfur Galbeed ku shaqeeyo Magaalada Baydhabo.

Gudoomiye Xasan Biikole ayaa hoosta ka xariiqay in iskaashi dhexmaraya Maamulka Degmada iyo Shacabka Baydhabo ay ku dhisanayaan Waddooyinka si bilicda ay usoo laabato.

Sikastaba Baydhabo Janaay ayaa koreysay muddooyinkii dambe dhinaca dhismooyinka iyo hormarka dhanka ganacsiga,waxaana magaalada laga furay goobo kala duwan oo bilicda aad sare ugu qaaday.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA