DHAGEYSO: Cudurka Covid19 oo aad ugu sii faafaya gudaha Soomaaliya

0

Covid 19

Mowjado hor leh oo ku aadan kororka dadka uu soo ridanayo Caabuqa Covid19 ayaa laga soo sheegayaa deegaanada kala duwan Gobollada Dalka.

Galmudug,HirShabelle iyo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa meelo ka mid ah la sheegay in Cudurka uu aad ugu faafay.

Kismaayo waxaa lasoo sheegay in 48 saac lasoo dhaafay kudhawaad 40 qof in cudurka ugu geeriyoodeen sida laga soo xigtay Maamulka Degmadaasi.

Dhanka Galmudug dad badan ayaa cudurka uu haleelay,iyadoo qaar ka mid ah aysan helin oksijiinta neef siiyaha ah qofka naqaska uu kuxirmo.

Agaasimaha Cusbitaalka Gaalkacyo Dr Maxamed Xuseen Aadan ayaa sheegay in kudhawaad kun Qof oo cudurka corono viruska asiibay ay diin waan geliyeen ilaa wixii ka dambeeyey dhamaadka bishii Febraayo,welina ay dareemayaan dadka iyo saameynta Cudurka uu ku yeelanayo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA