DHAGEYSO: Xildhibaan Sakariye “Soomaaliland Ha Maamusho Doorashada Soomaaliya”

0

Unnamed

Iyadoo weli is jiid jiid dhinaca Doorashada uu jiro ayaa hadana waxa dib loo ballamay Shirkii Afisiyooni in Talaadada berri la iskugu yimaado,taas oo la doonayo in wadatashiyo kadib xal laga gaaro.

Dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka waxay ishooda ku foogan tahay waxa kasoo bixi kara shirkaasi oo madaxda ka qeyb galeysa la tilmaamay in weli kala aragti duwaanshiyo ka dhex jirto.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa bogaadiyey doorka ay Beesha Caalamka ka qaadaneyso isku keenida Soomaalida ku heshiin la’ doorashada,isagoo sheegay hadii Markaan Afisiyooni shirka socda la isku saamixin ay dalbanayaan in Guddiga Doorashada loo wareejiyo Soomaaliland si ay umaamulaan Doorashada Dalka.

Sidoo kale Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay ay in Baarlamaanka mar kasta ku dedaalanayaan sidii doorashada iyo xal ka gaaristeeda hadii madaxda ku heshiin waayaan ay go’aan ka qaadan doonaan.

Ma cada halka ay saldhigan doonto dooda doorashada Soomaaliya oo wakhtigii loogu talo galay ay bilooyin dib uga dhacday,Baarlamaanka iyo Hay’ada Fulintuna ay muddo kororsi aan la isku waafaqsaneyn xukunka kusii joogaan maadaama xilli shaqeedkoodii uu dhamaaday.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA