Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye {Qoor Qoor} oo howlo shaqo u joogay maalmihii lasoo dhaafay Magaladda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusa mareeb ee xarunta Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid iyo xubno ka tirsan Golayaasha maamulka.
Arimo la xiriira inuusan qaban sharciga Galmudug ayuu deg deg ugu laabtay dhuuso mareeb maadaama Dastuurka Maamulkaasi dhigayo in Madaxweynaha ka maqnaan Karin 45 cisho deegaanadaasi.
Waxa uu ka bad baaday Madaxweyne Qoor qoor xeer qaban lahaa oo qal qiil gelin kartay inuu xilka waayo.
Sidaas oo kale waxa dhawaan sameeyey muddo bil kabadan uu muqdisho kusugnaa Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo tegay Warsheekh.