Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Saraakiil katirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Tababar u jooga dalkaas.
Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) oo uu wehliyo uqeybsanaha arimaha Ciidanka Ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade ayaa kulan waxay la qaateen Saraakiil ka tirsan CXDS oo Tababar aqoon kororsi ah u joogay Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Dooxa Ee Caasimadda Dalka Qatar.
Saraakiishaan oo Tababarka soo dhameystay ayaa dhawaan kusoo noqon doona dhulkooda hooyo.
Waxaana ay hormuud u noqon doonan sida la sheegay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee lagu xoreenayo Gobollada Dalka.