Wafdi ka socda Zambia Oo Hargeysa Ka degay & Kulamo Dhacay

0

1

Wafdi ka socday Dawlada Zambia ayaa maanta barqadii ka degay Magaalada Hargeysa,iyadoo kulamo ay la qaateen madaxda Maamulka Soomaaliland.

Waxaa wafdigaan hogaaminayey Wasiirka Cadaaladda dalka Zambia Gavin Lubinda waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey Maadaarka Cigaal International Airport.

Wasiir ku xigeenka ahna kusimaha Wasiirka  Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yusuf Cismaan iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arriimaha dibadda Maamulkaasi ayaa qaabilay wafdigaan balaadhan ee dalka soo gaadhay.

Intaas kadib Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxay wafdigaan kula kulmeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,iyadoo arimo ubadan xoojinta xiriirka Ganacsi kawada hadlay.

1

2