Wasiir isku casilay Arin Todobaadkii Hore Dhacday

0

Img20201005153513334 800

Wasiirkii Wasaarada Gaadiidka Taiwan Liin Jaay Luungi ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay kadib Eedeymo loo soo jeediyey.

Istiqaalada ayuu gudbiyey Axadii Shalay Gelinkeedii dambe,waana laga aqbalay,waxaana uu ku sababeeyey culeyska la saaray Isbuucii hore shilkii tareen dhacay awgiis.

Bartiisa Facebook ayuu si toos ah ugu daabacay Qoraal uu ku sheegayey wasiirku inuu xilka iskaga tegay Dawladana uu war geliyey.

Shilkii Tareen ee Taiwan ka dhacay Todobaadkii hore waxaa ku dhintay 48 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen kudhawaad 200 ruux.

Ciidamada Amaanka dalkaasi ayaa xiray saacado ka hor Malkiilaha iska leh Gaariga sababay in shilka uu galo Tareenka maadaama uu ku dhacay wadada Tareenka.