38 Qof Oo Maanta Turkiga Loogu xiray Afgembigii Dhicisoobay

0

Thumbs B C 0f8feaa28eda35aa4041da5b8102a4eb

Kudhawaad 38 qof ayaa ciidamada Amaanka Dalka Turkiga xabsiga utaxaabeen Maanta oo Talaado ah kuwaas oo lala xiriiriyey inay qeyb ka ahaayeen Afgembigii Turkiga ka dhacay Shan sano ka hor.

Ragga la xiray ayaa ku kala sugnaa Gobollada Ankara, Izmir iyo Kayseri waxaana Booliska ay sheegeen in 13 qof dadka la xiray ka mid ah hore waaran loogu jaray lagu soo qabanayo.

Sirdoonka Turkiga ayaa laba jibaaya beegsiga lagu hayo shakhsiyaadka xiriirka la leh Wadaadka lagu magacaabo Fethullaah Gullaan oo Mareykanka deggan una dhashay Dalka Turkiga.

Afgembiga dhicisoobay Ee Turkiga ayaa dhacay 2016-kii bishii Julay xilligaasi oo lagu dilay markaasi 251 qof iyadoo lagu dhaawacay dad ku dhaw 3 kun Ruux.