Dawlada Soomaaliya Oo Xirtay Gal dacwadeedkii loo heystay C/rashiid Janan

0

Fb Img 16166877987566125

Sida ay Aragtay Xamar Post Labo warqadood oo kasoo kala baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa la xiray Gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii hore Ee Amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa qoraal ku taariikheysnaa 22-kii Bishii Maarso 2021 waxa uu sheegay in la xiray gal dacwadeedkii furnaa ee Janan loo heystay,markaas oo Maxkamada Gobolka Banadir laga codsaday inay waafaqdo Go’aanka Xeer ilaalinta Qaranka.

1

11

Maalin kadib Qoraalkaasi Garyaqaan Suleymaan diray ayaa 23-bishii 3aad Maarso 2021 waxay maxkamada Gobolka Banaadir iyaduna ayiday Go’aankaasi lagu laalay gal dacwadeedkii loo heystay C/rashiid Janan oo ku eedeysnaa Falal dambiyeed dilal ku jireen.

2
2

24-kii Maarso bishii hore ayaa C/rashiid Janan uu isku soo dhiibay Dawlada Federaalka Soomaaliya kadib Heshiis uu la galay,isagoo ciidankii uu hayey ku wareejiyey Dawlada Dhexe.