DHAGEYSO: Hanjabaada B/Caalamka waxay bad baadineysaa Soomaaliya,sida waxa yiri…

0

Beesha Caalamka 1 640x437

Iyadoo digniino dhowr ah iyo fariimo u muuqday Hanjabaad ay maalmihii dambe soo dirayeen beesha caalamka ayaa hadana waxay umuuqdaan Dhinacyada Soomaaliya in doorashada ku heshiin la’ yihiin.

Shirka Afisiyooni ayaa dib uga dhacay maanta markii cilad farsamo awgeed uqabsoomi waayey iyo maqnaashiyaha Hogaamiyaha Galmudug.

Siyaasiga C/raxmaan Raabi ayaa qaba in daacad laga aheyn in la heshiiyo ay sabab ka dhigtay in muddo qaato Shirka oo natiijana la gaarin,weliba iyadoo madaxdii ay Xamar wada joogaan.

Axadii Todobaadkaan waxa labo dawladood oo codka awooda badan leh Golaha Amaanka QM ay ku hanjabeen in cunuqabateyn la saari doono dhinacyada loo arko inay doorashada caqabad ku yihiin.

C/raxmaan Raabi ayaa weji kale u yeelay goodinta Beesha caalamka Ee soomaaliya isagoo madaxda go’aanka Siyaasada dalka leh sheegay in ay kaga laxow jecel yihiin Saaxiibada Caalamka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka gil gilatay Saacado ka hor warar la faafiyey oo sheegayey in uu miro dhal noqon waayey Is aragii dhacay Sabtidii iyo Axadii ee afisiyooni la iskugu yimid,ayna rajo ka qabaan in wax lagu qanco shirkaasi kasoo bixi doono.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA RAABI