Nin Labadiisa Xaas,Cunug Yar & Qoyskiisa Qeyb ka mid ah Laayey

0

Flco104 44 2021 150648

Nin hubeysan ayaa waxa uu qaar kamid ah Qoyskiisa ku laayey Dalka Iiraan,iyadoo markii dambe uu is dilay gacan ku dhiiglaha.

Falkaan ayaa isniintii shalay ka dhacay Magaalada Ahfes,waxaana 50 jirkaan uu dilay wiil sagaal jir ah,Labo Xaas uu qabay iyo 7 qof oo garaabadiisa ah uu dhaawac ugeystay.

Warbaahinta gudaha Iiraan ayaa akhbaartaan tebinaya saaka oo talaado ah,iyadoo baaritaan lagu bilaabay waxa sababay in ninkaan dadka uu laayo.

Dalka iiraan ayaa dhif iyo nadir tahay in qof shacab ah Hub loo ogolaado,waxaana Dawladu ay xakameysay qaadashada Hubka iyadoo dano gaar ah lagu fushanayo.