Shir Amaanka Gobolka Bari Looga Hadlay Oo Ka Dhacay Boosaaso

0

Shirka 3 696x464 1

Shirkaan oo ahaa mid looga arinsanayey Xaalada Amni Ee Gobolka Bari ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, Maxamed Cabdullaahi Cusmaan  (Majiino) ayaa kulankaasi shir gudoomiyey,iyadoo ay ka qeyb galeen Xubnaha Gudiga Amniga Gobalka Bari, Sarakiil ka socotay Madaxtooyada Puntland & Lataliyaasha Dhinaca Amniga Madaxweynaha dowlada Puntland.

Waxa aad loogu falanqeeyey qorshaha amni iyo sida wada shaqeyn uyeelan lahaayeen Shacabka iyo ciidamada.

Wasiir C/llaahi Majiino ayaa sheegay in laga jawaabi doono baahiyaha ciidanka looga baahan yahay,islamarkaana wada shaqeyn la sameyn doono.

Bil ka hor 5-tii bishii Maarso ayaa Al Shabaab waxay weerareen Xabsiga dhexe Ee Boosaaso,xilligaasi oo ay Maxaabiis badan ka sii daayeen.