Amiiro katirsan Al Shabaab ayaa la qabtay & Qalabkii Qaraxyada ka sameyn jireen

0

Danab

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maanta la wareegay Deegaanka Mubaarak Ee Gobolka Shabellaha Hoose,halkaasi oo Al Shabaab ku xooganaayeen.

Sargaal katirsan Ciidamada Meliteriga oo Howlgalkaasi ka qeyb ahaa waxa uu sheegay in ay bur buriyeen Xarumo Al Shabaab ku lahaayeen,Deegaankaasi.

Maxkamad ay Shabaabku dadka xukunada ugu kala qaadi jireen ayaa sidoo kale ciidanku cagta mariyeen.

Agab kala duwan ayey ciidamadu la wareegeen oo ku jiraan Boonooyin iyo Qalab Qaraxyada laga sameyn jiray.

Sargaalka aan la hadalnay waxa uu sheegay Amiiro katirsan Al Shabaab gacanta lagu soo dhigay dad kalena oo laga shakisan yahay baaritaan lagu hayo.

Waxa uu sheegay in ay jiraan Seddex qof ka mid ahaa dadkii lasoo qabtay ay qirteen in al shabaab kamid ahaayeen,oo midkood ahaa Madaxii Maaliyada Deegaanka Mubaarak.