DHAGEYSO: Cumar Filish “Deni & Madoobe Ayaa Isbaaro Doorashada udhigtay”

0

Capture

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlay kulan ka dhacay Muqdisho ayuu si kulul uga hadlay cida fashilisey Shirkii ka socday Maalmahaan Teendhada Afisiyooni Ee Magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa ku sheegay Isbaaro Siyaasadeed in ay shirka la tageen xubno uusan magacaabin,si ay dantooda ufushana hor istaagay in dalka doorasho ka dhacdo,hayeeshee warkiisa ayaa loo fasirtay inuu ku dhego hadlayey Madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa rajo ka muujiyey in dawlada loo madax banaaneeyo qabashada doorashada oo khilaafka jirana la dhameeyo.

Hadalka Cumar Filish ayaa kusoo beegmaya xilli shalay uu bur buray wada hadaladii usocday Dawlada Federaalka,Dawlad Gobolleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,shirkaasi oo Afisiyooni ka socday maalmihii dambe loogana hadlayey Arimaha Doorashada.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA