DHAGEYSO: Golaha Murashaxiinta Oo Ka hadlay Bur burka Shirkii Afisiyooni

0

Geelle 4

Afhayeenka Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu ka hadlay shirkii lagu kala kacay ee Xerada Afisiyooni maalmihii dambe ka socday.

Golaha Midowga Murashaxiinta waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin is afgarad la’aanta kasoo baxday Shirkaasi iyo in Madaxweyne Farmaajo weli ku adkeysanayo adeegsiga Ciidanka Qaranka si uu dantiisa ugu fushado.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa soo jeediyey in ay ku baaqayaan Madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo Awooda Hay’ada Fulinta maadaama uu wakhti xilleedkiisii sharciga ka dhamaaday uuna dalka iyo dadka ka bad baadiyo dhibaato dawladnimada dhaawac ku keeni karta.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA