Fanaan Loo xiray Inuu Dawlada Kasoo Horjeedo

0

Rk Paingtakhon 080421

Dalka Myanmar oo bilo ka hor Afgembi meliteri ka dhacay ayaa waxa ciidamada ay khamiista maanta ah xabsiga dhigeen Heesaa caan ah oo dalkaasi udhashay.

Waxa uu fanaankani ku biiray ama taageeray dhaq dhaqaaq kasoo horjeeda afgembiga dhacay,oo dawlada kula wareegtay dalkaasi.

Beyn Taqon oo 24 jir ah ayaa ah Heesaa,Jilaa iyo Dhar xayeysiiye,ayey ciidamadu xabsiga dhigeen,iyadoo inkabadan 100 qof caan ah ay Dawladu ugaarsaneyso kuwaasi oo taageeray banaanbaxyada ka dhanka ah Xukuumada Yangon.

Wakaalada wararka AFP ayaa kasoo xigatay Ehelada qaar Heesaaga Beyn Taqon in la xiray balse aysan ogeyn halka ciidamadu geeyeen.