DHAGEYSO: Ismaaciil Geelle Oo Markii 5aad Ku Guuleystay Madaxweynaha Jabuuti

0

117391620 Gettyimages 1130091437

Doorashadii Shalay Jimcihii ka dhacday Dalka Jabuuti ayaa waxa la sheegay in uu markii 5aad ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxa la tartamay Murashax Sakariye Ismaaciil Faarax hayeeshee codad badan ayuu Geelle ka helay dadka codkooda dhiibtay.

Si kooban ayuu Geelle warbaahinta ula hadlay markii uu codka dhiibtay isagoo yiri.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa helay codad gaaraya 89.41% taas oo si weyn doorashada ugu guuleystay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada Doorashada saacado ka hor.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA