DHAGEYSO: Isku shaandheyn lagu sameeyey Wasiiro katirsan Xukuumada

0

Capture

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada xil gaarsiinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu isku shaandheyn ku sameeyey maanta oo axad ah qaar kamid ah Golaha wasiirada.

Labo Wasiir ayuu kala wareejiyey kuwaas uu armayin deg deg ay xilalka ula kala wareegaan si shaqada ay meesheedii uga sii socoto.

Wasiirkii gaadiidka & duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa loo wareejiyey Xilka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada,halka Duraan Axmed Faarax oo ah Wasiirka Shaqada loo wareejiyey Wasaarada Gaadiidka & duulista Hawada Soomaaliya.

Duraan Axmed Faarax ayaa ka mid ahaa wasiiradii dhawaan Xilka xukuumada kusoo baxay halka Oomaar uu Wasiir soo ahaa Afartii sano lasoo dhaafay.

Wasiirka Warfaafnta Cusmaan Abokor Dubbe ayaa si kooban uga siiyey Warbaahinta qaabka ay isku shaandheynta udhacday.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA