DHAGEYSO: Xukuumada Oo Awood Ku Joojisey in dalka lasoo geliyo…

0

Kkkklogo Wasarrda

Hay’ada Adeegyada Baaritaanka Beeraha iyo sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed ayaa hadda iyo wixii ka dambeeya ka shaqeyn doonta la socodka Abuurka iyo beeraleyda waxay dalka soo gelinayaan.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa cod dheer ku sheegay inay la xisaabtami doonaan cid walbo oo loo arko inay abuur aysan hay’adaan ogeyn keenta dalka.

Wasiir Ciid oo sii hadlayey ayaa sheegay in marar badan ay la kulmeen waxyaabo abuur ah oo aan wanaagsaneyn in Beeraleyda qaar abuurteen kadibna dadka laga iibiyey.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli Hay’ada Adeegyada Baaritaanka Beeraha iyo Nidaameynta Beeraha Soomaaliyeed ay sheegtay in ay shaqadeeda sida ugu dhaqsiyaha badan uguda geli doonto.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA