Gaashaanle Mahad Doolar Oo Lagu Dilay Goordhaw Muqdisho

0

172758908 276906280780579 806574137205308042 N

Dilkaan ayaa maanta ka dhacay Xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan,waxaana dableey bistoolado ku hubeysan ay fuliyeen kadibna ay baxsadeen halkaasi.

Sargaalka la dilay oo katirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Cali Cilmi (Mahad Doolar),iyadoo meydkiisa ciidamada amniga ka qaadeen goobta.

Ma jirto cid sheegatay dilkaasi loo geystay Mahad Doolar,iyadoo ciidamada dawlada ay baaritaan ka sameeyeen meesha dilka ka dhacay.

Waxa uu qaabilsanaa Amaanka Xaafada Seybiyaano ilaa Ex control Afgooye,iyadoo caan uu ka ahaa xaafadahaasi.