Hormarka Soomaaliland gaartay sanad Gudihiis & Waxa Ka cusub

0

171712126 4227706763930097 8716820360381507647 N

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xariga ka jaray 106 Goobood oo waxbarashada loogu talo galay islamarkaana ay Miisaaniyada Dawlada lacag laga jaray ku dhiseen.

100 Dugsi,5 Liberary iyo xarun weyn oo wasaarada waxbarashada ku shaqeyn doonto ayaa la xarig jaray halkaasi oo la rabo in sare loogu qaado tacliinta.

Muuse Biixi wuxu sidoo kale Daah rogay Mashruuca Aqoon jire oo ah Barnaamij duruusta manhajka oo duuban lagu shubayo Tablets cadceedda ku shaqeeya, Waxbarashadana lagu gaadhsiinayo Ardayda miyiga ama baadiyaha ku nool.

Sidoo kale waxa Madaxweynuhu daah furay Muuqbaahiyaha ama telefishin u gaar ah Waxbarashada Soomaaliland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxay dhammaan mashaariicdaas hirgalisay Sanad gudihiis 2020/21.

Madaxweyne Biixi ayaa ugu dambeyn yiri “Wasaarada Waxbarashada looma abaal gudi karo oo waa naftood hurayaal”.