Muwaadinkaan Soomaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobay Ilyaas, ayaa ALLAHA u Naxariistee xalay fiidkii waxa lagu dilay Xaafadda Elsees River ee Magaalada Cape Town, xilli uu gaarigiisa ku dhax jiray.
Koox hubeysan ayaa toogtay Marxuumka waxaana la socday weerarka marka uu dhacayey Saddex wiil kale oo Soomaali ah.
Dhalinyarada kale, ayaa la sheegay in ka badbaadeen weerarkaasi ay fuliyeen kooxo hubaysan oo deg deg goobta uga baxsaday, sida ay Dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen.
Booliiska, ayaa isku gadaamay agagaarka goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay sheegeen inay raadjoogaan burcadkii dilka geystay,iyadoo South Africa dhowr mar dhalinyaro ganacsi ahaan utegay dil iyo dhac loo geystay.