Aqalka Sare oo ka hor yimid Muddo kordhinta Loo sameeyey Farmaajo

0

Cabdi Xaashi

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxa uu maqribnimadii caawa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hor yimid Muddo kordhintii Labada sano Madaxweyne Farmaajo loo sameeyey.

Waxa uu sheegay Cabdi Xaashi in Baarlamaanka Labada Aqal uu wakhtigooda dhamaaday 27-kii December 2020-kii,iyadoo sidaa awgeed muddo kororsi sameyn Karin.

Madaxweyne Farmaajo,Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Gudoomiye Mursal ayey Aqalka sare ugu baaqeen in caqligu shaqeeyo laguna noqdo Xeyndaabka Sharciga Ee Dalka Uyaalla.

Ugu dambeyn Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay Saaxiibada Beesha Caalamka iyo Ururada daneeya Soomaaliya inay soo fara geliyaan Xaalada dalka inta aysan faraha kasii bixin aniga oo ka xun buu yiri in marxaladaan Adag dalka uu soo gaaro.

1

2
2