General Xijaar Oo Xilka Ka Qaaday Taliye Saadaq Joon

0

Xijaar

War deg deg ah oo kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in Xilka qaadis lagu sameeyey taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Banaadir General Saadaq Joon.

Taliyaha Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxa uu xilka qaadis ku sameeyey Saadaq Cumar Xasan (Saadaq joon).

Xilka Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay Farxaan Qaroole,oo ahaa Taliyihii Booliska Haramacad.

Gaashaanle Dhexe Farxaan Qaroole ayaa loo dalacsiiyey darajada Gaashaanle sare,iyadoo xaalada ay sii cakirnaatay.

Saadaq Joon ayaa wax yar ka hor Afgembi Siyaasadeed kusameeyey Farmaajo iyo Awoodii Baarlamaanka,isagoo xitaa sheegay in Baarlamaanka kulankii ay yeelan lahaayeen uu baajiyey.

Marxalad adag ayuu dalka galay,iyadoo doorashada la iskala soo gudbay buuqeedii oo markaan Muddo kororsi ayaa la isku hayaa.