Dhageyso: Howlgal Nuuc Cusub ah Oo Ka Bilaabanaya Kismaayo

0

Hay’adaan oo qaabilsan taya dhowrka islamarkaana Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa waxay sheegtay in ansixinta Xeerka lagu daba galayo Ganacsatada badeecadahood ay wax badan faa’iido leedahay.

Agaasimaha Guud Ee Hay’ada Taya dhowrka Jubbaland Ibraahim Abuukar Maxamed ayaa sheegay in Xarumaha ganacsi Ee Kismaayo ku yaalla & Deegaanada kale inay bilaabi doonaan howlgal baaritaan dhinaca Badeecadaha ah si loo kala ogaado waxa dhacay iyo kuwo aan tayadooda isbadelin.

Inta badan dekadaha Dalka waxaa laga soo dejiyaa badeecooyin dhacay taas oo caafimaad daro shacabka Soomaaliyeed,waxaana dhawaan Hay’ada Taya dhowrka Soomaaliyeed sheegtay in arimahaasi wax badan laga qaban doono.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA