USA & UK Oo Hanjabay Kadib Muddo kordhintii uu sameystay Farmaajo

0

Istock 472707578

War qoraal ah oo kasoo baxay Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa si cad usheegay inaysan taageeri doonin Muddo kordhintii Labada sano Ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu dareen Isniintii Hay’adaha Dawlada.

Waxaan si isdaba joog ah Caalamka ugu adkeenaya inay muhiim ugu tahay xasiloonida,Barwaaqada iyo Dawladnimada Soomaaliya si taasi loo gaarana ay Madaxda Dawlada Federaalka iyo Hogaanka Dawlad Gobolleedyada heshiis ka gaaraan Khilaafka dhexdooda ah.

Xoghayuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in Mareykanka kasoo horjeedo labada sano Ee Farmaajo ku kordhisaday muddo xilleedka si uu Xukunka usii joogo,hadii uusan taageero ka helin Daneeyeyaasha Caalamka Ee Soomaaliya Dhaqaalaha siiya.

“Qaraarka lagu kordhiyay muddada Dawladda Federaalka ayaa dhabaha usii xaareysaa wer werka guuldaro sii socoshada nabadda iyo Xasiloonida dalka.  Waxaan ugu baaqeynaa Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay dib ugu laabtaan miiska wada hadalada isla markaana ay isla meel dhigaan waddo walbo oo bur bur keeni karta,ayuu yiri Antony Blinken”

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa sheegay in tani hadii aan dhag jalaq loo siin baaqooda in ay ku qasbanaan doonaan dib u eegis lagu sameeyo xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya,iyadoo Xoghayaha Arimaha Dibada USA uu ku goodiyey inay cunuqabateyn soo rogi doonaan dhinaca Socdaalka,Diblomaasiyada oo hoos loo dhigo iyo in la joojiyo Kaalmada ay Soomaaliya siiyaan.

Dhinaca kale Dawlada Britain ayaa soo saartay Warsaxaafadeed ay kaga hadleysay Xaalada Soomaaliya iyo Muddo kordhinta Baarlamaanka sameeyeen.

UK waxay cambaareysay Sharcigii Golaha Shacabka ay Maalin ka hor ku ansixiyeen wakhti dheeraad ah oo lasiiyey Hay’adaha Dawlada iyadoo heshiis wadar ogol ah lagu aheyn.

Wasiirka Arrimaha Afrika uqaabilsan Dawlada UK James Duddridge ayaa yiri “In la wada hadlo waa jidka saxda ah ee Doorasho lagu aadi karo,waxaana mid lagu qanci karo ah in la isla qaato dhaqan galka heshiiskii la gaaray 17-kii September 2020-kii,heshiiskaasi waa midka saxda ah ee la taageeri karo,waxaan ka codsaneynaa Hogaamiyeyaasha Soomaalida inay tanaasul iyo is xakameyn siyaasadeed la yimaadaan oo wada hadalada dib loogu noqdo,wixii intaas kasoo harana aysan usacbo tumi doonin Dawlada Ingiriiska ayuu yiri James Duddridge”.

Sikastaba Goodintaan ka timid Dawlada Mareykanka & Ingiriiska ayaa kusoo beegmaya xilli Xalay Madaxweyne Farmaajo uu saxiixay Sharciga Jiheynta Doorashada Heer Federaal taas oo Labo sano xukunka uu sii heyn doono.