DHAGEYSO: Lafta gareen Oo Amar uu Bixiyey In deg deg uga dhaqan galo Baydhabo

0

Lafta Gareen 630x420

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa kala hadlay saraakiisha Ciidamada Amaanka Maamulkaasi in la laba jibaaro ka hortegida weerarada amniga lidka ku ah.

Al Shabaab ayaa maalmo ka hor waxay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen Maqaayad ku taalla Baydhabo halkaasi uu kusugnaa Gudoomiyaha Gobolka Bay Cali Dooyoow,kana bad baaday isku daygaasi.

Madaxweyne lafta gareen ayaa faray saraakiisha inay il gaar ahaaneed ku eegaan weerarada Al shabaab soo maleegi karaan inta lagu jiro Bisha Ramadaan.

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag ayaa sheegay in la mamnuucay Baabuurta Muraayadaha Beensalka leh ee Baydhabo lagu dhex wato,marka laga reebo Saraakiisha Amniga iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA