Dhageyso: Xildhibaanada Taageersan Villa Soomaaliya Oo…

0

Capture

Kulankaan oo ay xalay ku yeesheen Muqdisho Xildhibaanadaan taageersan Villa Soomaaliya ayaa waxay kaga hadleen dhaq dhaqaaqyada ciidan ee labadii habeen lasoo dhaafay laga dareemay caasimada.

Waxay Mudanayaasha shiray sheegeen inay ka xun yihiin Xildhibaano kale inay hurinta colaad Muqdisho ka dhacda ay ka qeyb yihiin,iyagoo dano gaar ah ka leh arintaasi.

Shirka marka uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta warsaxaafadeed kulanka laga soo saaray akhriyey Xildhibaan C/kiriin Dhalac,isagoo sheegay in marnaba Dawladu weerar ku aheyn xaafada Shiirkole Ee Degmada Hodan,dadkana ay ugu baaqayaan in la is dejiyo.

Hadalka Xildhibaanadaan taageersan Dawlada waxa uu jawaab u yahay Xildhibaanada Mucaaradka oo labadii habeen lasoo dhaafay kusii qul qulayey Xaafada shiirkole ka deggan yahay General Saadaq Joon oo ay ku dhawaaqeen inay difaaci doonaan hadii ay Dawladu weerar kusoo qaado gurigiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso codka