Fashil ku yimid Qorshe Farmaajo & Murashaxiinta Lagu kulansiin lahaa

0

175273012 232152802038102 8892877424679008257 N

Wararka ay Xamar Post heshay ayaa sheegaya in uu fashil ku dhamaaday Qorshe la rabay in lala kulansiiyo Farmaajo Xubnaha Midowga Murashaxiinta.

Shir shalay gelinkii dambe yeesheen Cali Guudlaawe,oo ah Madaxweynaha HirShabelle iyo Murashaxiinta ku heybta ah sida Xasan Sheekh,C/qaadir Cosoble,Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankaasi oo ka dhacay Hoyga Xasan Sheekh ayaa waxa la sheegay in arimaha siyaasada dalka lagu falan qeeyey,iyadoo Cali Guudlaawe uu la wadaagay fariin ah in uu doonayo la kulanka murashaxiinta Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in xalay Axmed Qoor qoor uu hoygiisa ku qaabilay Murashaxiinta Qaarkood kuwooda ay isku heybta yihiin.

Midowga Musharaxiinta ayaa ku gacan seyreen farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle oo ahaa codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo inuu la kulmo Musharaxiinta.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirkii xalay qoor qoor gogosha fidiyey uu kusoo idlaaday is fahmi waa markii kulanka uu socday isaga soo baxay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur,markii uu qoonsaday in ay Labada Madaxweyne cadeyn waayeen Mowqifkooda Muddo kordhinta ka hor in lala kulansiiyo farmaajo.

Isniinta Berri ayaa laga sugayaa Murashaxiinta Madaxweynaha inay aqbaleen la kulanka Madaxweyne farmaajo iyo in kale,iyadoo yadadiilo laga muujinayo in la isku soo dhawaado.