Puntland Oo Bedeshay Barnaamij Muhiim Ah Ay Ku Shaqeyn jirtay

0

Capture

Hirgelinta Barnaamijka Tiknoolajiyada ah Ee Booliska ku shaqeenayaan dhinaca internet-ka ayaa laga daah furay magaalada Garowe.

Si loo dar dar geliyo kiisaska dacwadaha Ay Booliska iyo Garsoorka wadaagaan xogaha ayaana sahli kara in deg deg qofka cadaalad loo helo.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa faray Saraakiisha Garsoorka inay dacwadaha kusoo gudbiyaan si deg deg ah oo aan loo baahneyn in qofka maxkamad la’aan iska xirnaado.

Dadka qaarkood ayaa u arkaya barnaamijkaan lasoo kordhiyey mid faa’iido u leh hanaanka Garsoorka Puntland oo dad badan cadaalad ku heli karaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA